Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»XASAASI: Ma dhici kartaa adigoon Calaamadihii Coronavirus lahayn inaad sido Cudurkii…? (Akhriso)

    XASAASI: Ma dhici kartaa adigoon Calaamadihii Coronavirus lahayn inaad sido Cudurkii…? (Akhriso)

    March 26, 2020Updated:April 4, 20204 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo dunida halis weyn uu ku hayo cudurka COVID-19 ee uu keeno Cronavirus ayaa waxaa jira su’aalo badan oo aan laga jawaabin oo ku saabsan cudurkan dunida oo dhan rogay, waxaana mar waliba la arkaa dad kala duwan oo faafiya warar been ah iyo kuwo marin habaabin ah oo cudurka ku saabsan.

    Covid-19 waa cudur ku cusub dunida, waxaana weli socda dadaalka loogu jiro in wax badan laga ogaado si loogu helo Daawo xilliga dhow iyo tallaal mustaqbalka dhow, sidaasoo ay jirto ayaa haddana waxaa ilaa hadda laga ogaaday cudurka arrimo muhiim ah oo keenay in dad badan ka bogsoodaan, lana qaato tallaabooyin adag oo looga hortegayo.

    Su’aasha ah: Ma dhici kartaa adigoon calaamadihii Coronavirus lahayn inaad sido Cudurkii? waxay muhiim u tahay in cudurka laga hortago inta aanu faraha ka bixin, sidaas darteed waxaa la ogaaday arrimaha soo socda:

    1- In Coronavirus uu jirka qofka uga soo bixi karo ilaa laba toddobaad (14 Maalmood), waana sababta loo qaatay in dadka looga shakiyo loo karaantiilo mudaddaasi.

    2- In Cudurkan si sahlan lagu kala qaado oo si weyn ugu fidayo; taabasho, kulan, meel wada joogis iyo inuu ku noolaan karo hawada muddo saacado ah iyo meelaha kale sida derbiyada ama walxaha adag maalmo.

    3- In dadku ku kala duwan yihiin cudurka oo qaarkood uu ka bogsoodo, qaar kale xaalad adag gaarsiiyo, qaarna ay u dhintaan.

    4- In dadka qaar aan calamaadihiisa lagu arkin, iyadoo haddana sida, qaar kalena lagu arko calaamadaha.

    Waxaa muhiim ah in la ogaado in ugu yaraan 18% in dadka coronavirus sida aanay yeelan wax calaamad ah ‘asymptomatic’, halka daraasado kale oo laga sameeyay magaalada Wuhan, China ay sheegtay 60% inaan la ogaan dadka siday cudurkan, wax calaamado ahna aan lagu arkin, taasoo keenay inuu si weyn u faafo.

    In a preprint posted online on 6 March, the group suggests1 that by 18 February, there were 37,400 people with the virus in Wuhan whom authorities didn’t know about. Most of those unreported cases were in people who had mild or no symptoms but could still be contagious, according to the authors.

    Nature.com

    Dad gaaraya 37.400 qof oo qaba coronavirus ayaa ku sugnaa magaalada Wuhan ee dalka China oo ah goobtii uu cudurka ka bilowday, iyadoo aanay ka War heynin mas’uuliyiinta caafimaadka, taasina waxaa ugu wacneyd inaysan dadkaasi lahayn wax calaamad ah, laakiin ay ka qeyb qaateen inuu sii fido cudurka.

    Dhinac kale Daraasad lagu sameeyay 565 qof oo u dhashay dalka Japan, kana mid aha dadkii laga soo daadgureeyay magaalada Wuhan waxaa markii la baaray la ogaaday in 30.8% dadkii laga helay cudurka COVID-19 aysan wax calaamad ah lahayn, iyado daraasadda ay tahay mid la isku haleyn karo 95% (Halkan ka akhriso ama kala deg)

    Daraasad kale oo lagu sameeyay Markabkii Daimond Princess oo cudurka Coronavirus uu ka dhex dilaacay horaantii bishii Febraayo waxaa lagu ogaaday in 3,711 rakaab ah oo la socday oo marar badan laga baaray cudurka si dhowna xaaladooda loola socday in ku dhowaad 700 qof ay cudurka qaadeen, laakiin 18% dadkaasi aan laga helin wax calaamad ah oo ay dad caadi ah iska ahaayeen. [Halkan ka akhriso daraasadda] -Waxaa daraasaddan ka qeyb qaatay khubaro kala socotay Kyoto University (Japan) Oxford University (UK), iyo Georgia State University (US).

    Study: 17.9% Of People With COVID-19 Coronavirus Had No Symptoms

    READ MORE

    Arrimahan oo dhan waxay muujinayahan in dadka Coronavirus sida 20% ilaa 60% aanay wax calaamad ah ka muuqan, balse uu virus-ka jirkooda ku jiro, taasoo loo aaneynayo inay ka keentay sida weyn ee cudurkan u fido, waxaana mar waliba oo baaritaan lagu sameeyo dad fara badan la helaa tiro aan la fileyn oo sida cudurka, siina gudbineysa, taasoo keentay in magaalooyin iyo dalal waaweyn bandow la geliyo dadkana guryahooda lagu celiyo.

    Gabagabadii: waxaa muhiim ah in la raaco tallooyinka caafimaadka, isla markaana aan la siyaasadeyn arrintan cudurka coronavirus, doodna laga abuurin dadka laga helo iyo xaaladooda, iyadoo aan wax cilmi ah loo lahayn.

    Dadka siyaasiyiinta ah ee dagaalka siyaaasadeed ku jira waxaa haboon inaysan musiibada Coronavirus kusoo darin sheekooyinkooda, siina jahawareerin dadweynaha, balse ay ka qeyb qaataan wacyi gelinta dadka Soomaaliyeed oo la ogyahay tabarta dowladooda iyo xaaladda ay ku nool yihiin.

    Waxaa Diyaariyey: Wadani

    Coronavirus Coronavirus patients without Symptoms Coronavirus worldwide Mahad Salaad Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Farmaajo oo War kasoo saaray Guusha laga gaaray Deyn cafinta Soomaaliya (Akhriso)
    Next Article Agaasimihii Machadka Caafimaadka oo beeniyey inuu isu casilay Kiiska Coronavirus “Fadlan been abuurka aan ka fogaano”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo