Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo hadda ah musharax xilka madaxweynaha ee xilligan ayaa ku biiray mucaaradka, isagoo soo jiitay indhaha taageerayaasha Farmaajo ee shalay la safnaa iyo mucaaradkiisii shalay ee uu maanta kusoo biiray.
Miisaankiisa siyaasadeed wuxuu keenay in ku wareeraan mucaaradkii uu dagaalka kala dhaxeeyay iyo Muxaafidkii uu kasoo tegay, waxayna labadaba u arkaan inuu halis ku yahay, taasoo laga dareemi karo sida aysan ugu fududeyn inuu la qabsado saaxiibadisa cusub ee godobta ka tirsanaya.
Taageerayaasha Farmaajo waxay u arkaan laacib halis ah oo si bilaash ah ku bixiyeen, dhibaatana gelin kara rajadooda ah in mar kale la doorto Madaxweyne Farmaajo, waxaana durba soo muuqatay in taageerayaashii Nabad yo Nolol ee baraha bulshada laga harsan waayey ay intooda badan Kheyre taageerayaan xilligan.
Mucaaradka dowladda ee ay ugu horreyaan musharixiinta dadaalka ugu jira inuusan xilka kusoo laaban Farmaajo oo dagaalka siyaasadeed kula jiray dowladda Nabad iyo Nolol waxay dhinacooda Xasan Kheyre u arkaan inuusan wax badan u dhaamin Farmaajo, laakiin ay ku qasban yihiin inay u adeegsadaan dagaalka u danbeeya ee doorashada, iyagoo haddana si la mida taageerayaasha Farmaajo u arka inuu halis gelin karo damacdooda kursiga Villa Somalia afarta sano ee soo socota.
Si uu Xasan Kheyre Mucaaradka ugu biiro waxay ku qaadatay inuu raaligelin ka bixiyo dhibaatadii ka dhacday Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Disembar 2018 oo ahayd mas’uuliyad dowladeed, arrintaas oo si beel ahaan ah loo galay; si uu yaraan shirka musharixiinta Madaxweynaha ay isula jaanqaadaan.
Madaxweyne Farmaajo iyo in badan oo ka mida Musharixiinta Mucaaradka waxay ka mideysan yihiin in Xasan Kheyre dusha u saaraan mas’uuliyadda wixii ka khaldamay iyo dhibaatooyinkii ay geysatay dowladii uu Ra’iisal wasaaraha ka ahaa, waxaans u taxan liis ay ka mid yihiin;
1- Dhiibistii Qalbi-dhagax iyo Argagixiso ku sheegii ONLF
2- Weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur
3- Xayiraadii iyo tacadiyadii lagula kacay Madaxweynayaashii hore
4- iyo arrimo kale oo liiska sii dhereynaya.
Kooxda Farmaajo waxay u muuqata fursad ay isku furan karaan oo Kheyre dusha u saari karaan wixii gef ahaa ee ay ku kaceen intii ay talada hayeen, taasoo ay rajo ka qabaan inay yareyso taageerada uu heli lahaa iyo halista uu ku noqon karo damaca Kursiga inay dib u hantaan.
Musharixiinta Mucaaradka oo ua badan kuwo kasoo jeeda Beesha Xasan Cali Kheyre waxay is tusiyeen in Musharaxan uu ciriiri gelin karo, iyagoo ujeedkoodu inay hoos u dhigan fursadihiisa Waxaana xubnaha Mucaaradsan ugu horeeya siyaasiyiinta ay isku heybta yihiin Ra’iisal wasaaraha xilka ugu danbeeyay ee Maxamed Xuseen Rooble.
Kheyre oo hadda ku qasbanaaday inuu raaligelintii koowaad bixiyo, waxaa sugaya liis dheer oo marba mid hor imaan doona, si uu raaligelin ga bixiyo ama go’aan uga qaato, wuxuuna weli u muuqdaa inuusan degdeg ula qabsan karin mucaaradnimada marka la fiiriyo hadal jeedintiisa la moodo inuu amarro bixinayo.

Xasan Kheyra-ha mucaaradka ah waxaa sugaya jid dheer oo laba jiho weerar uga socdo, taasoo aysan wax badan u tareynin taageerada uu Facebook ku heysto, waxaase markii doorashadu xaqiiqo usii dhowaato xoogeysan doona ama hoos u dhici doona saameynta uu leeyahay oo ku xiran hab dhaqankiisa siyaasadeed.
Faaqidaad Wadani