Wasiiru dowlaha cusub ee Wasaaradda Cadaaladda Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa markii ugu horeysay maanta ka soo dhex muuqday xubnaha Golaha Wasiirada
tan iyo markii xilkaasi sida qarsoodiga loogu magacaabay.
Muungaab oo hore u soo noqday Duqa Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay xafladii gabagabada shirka Madasha Qaran ee Muqdisho, wuxuuna ku dhex jiray xubanah Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ogolaaday maanta oo 10-ka Ogost ay bishu tahay magacaabidda Xasan Muungaab sida uu shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.
Magacaabidda Muungaab ayaan si rasmi ah loo faafin iyadoo aan sidoo kale la arkin meel lagu dhaariyay, waxaana magacaabidiisa ay dad badan ku noqotay lama filaan.
HOOS KA AKHRI MAGACAABIDDA MUUNGAAB
http://goobjooge.com/degdeg-xasan-muungaab-oo-loo-magacaabay-wasiiru-dowle-ka-tisan-xukuumadda-somaliya/
Wadani.com