Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Nidaamka Federaalka ee Soomaaliya iyo sida maamullada qaar u fasirayaan, isgaoo u muuqday inuu ka jawaabayo go’aankii Puntland ku sheegtay inay u dhaqmeyso ‘dowlad madax bannaan’.
Isagoo Madaxweynaha ka hadlayay shir-sanadeedka Garsoorka ee maanta ka furmay Muqdisho ayuu sheegay in dalku federaal yahay dastuurkuna ku qoran tahay, balse aanu Federaaleyntu aysan ahay in dalku kala tago oo maamul kasta wixii uu doono sameeyo.
“Dalkaan laba waxyaabood inaan la isku qaldin ayaa rabaa.. dalkan in la fadaraaleeyo waa mid… Dalka in la isku haayo oo hal dal uu noqdo waa waa mid kale. Dalka in la Fadaraaleeyo macnihiisa ma aha in la kala tago oo qofba meeshii uu doono aadi karo maaha.. Soomaaliya waa hal dal waa hal dowlad..” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu si adag u difaacay Madaxweynaha sinnaanta muwaadiniinta iyo maamullada dalka ka jira.”Muwaadiniinta Soomaaliyeed waa isku xuquuq, ma kala laha darajo koowaad iyo mid labaad. Ma dooneyno laba muwaadin oo kala xuquuq ah inay Soomaaliya ku noolaadaan. Dadka qaarkiisa iyadoon ogeyn waxay ka shaqeynayaan inay sidaas tahay waxay u arkeen nidaam hoose oo u gaara, mana aha”.
Xasan Sheekh wuxuu qeexay kala sareynta nidaamka Federaalka, isagoo yiri: “Wax kasta oo muwaadiinta Soomaaliyeed guud ahaan u wada taabanaya waxaa ka ms’uul ah Dowladda Dhexe; Wixii degaankaas u gaara ee taabanaya arrimihiisa gaarka ahna waxaa leh Dowlad goboleedka. Wixii wada saameynaya waa laga wada tashanayaa”.
Madaxweyne Xasan Shiikh oo u muuqda in uu u jawaabayo Maamul-goboleedyada ayaa si cad u yiri: “Reer Qurac iyo reer Qansax oo dalka gees kaas iyo gees kaas ka deggen, waxa aad soo dirsateen wakiillo idin matala; iyaga ayaa idiin jooga meesha talada Soomaaliyeed lagu goynayo ee ku kalsoonaaada, waxa aad rabtaanna, iyaga soo marsiista ha feer ordine”
