Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, kulankaasi looga hadlay fulinta go’aanadii kasoo baxay shir madaxeedkii Jabuuti ee dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Arrimaha ugu waaweyn ee la fulinayo waxaa ka mida xoojinta iskaashiga, qalabeynta, isku-dubbaridka iyo tayeynta hawlgallada ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si dagaal wadajir ah loogu qaado kooxda Alshabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wakiilka Midowga Afrika ayaa go’aamiyay in la dhiso guddi si degdeg ah u howlgeli doona sidii loo qiimeyn lahaa fulinta qodobadii shirka iyo hawlgallada AMISOM iyo ciidammada milateriga Soomaaliyeed.
Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa la taliyaha Madaxweynaha arrimaha difaaca iyo amniga Gen. C/raxmaan Sheekh Ciise, la taliyaha madaxweynaha Arrimaha siyaasadda Dr. Aweys Xaaji Yuusuf, qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidammada Soomaaliya, AMISOM, iyo mas’uuliyiin kale.
SAWIRRO
Wadani.com