Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Monday, June 8
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Xasan Sheekh oo 5 Sano kadib Farmaajo kala wareegay xilka Madaxweynaha Somaliya

    Xasan Sheekh oo 5 Sano kadib Farmaajo kala wareegay xilka Madaxweynaha Somaliya

    May 23, 2022Updated:May 23, 20222 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka si rasmi ah ugala wareegay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo munaasabad ka dhacday xarunta Villa Somalia.

    Waxa uu xilka Madaxweynaha JFS kaga la wareegay Madaxweynihii 9-aad ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaamintiisii dalka, dadaalkii uu geliyey dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

    Madaxweynihii sagaalaad ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey walaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS, isaga oo Alle uga baryey in uu fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, wuxuuna uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay si buuxda ula shaqeeyaan dowladda cusub.

    Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ku wareejiyey madaxweynaha cusub faylasha badda, kuwa dayn cafiska iyo mid ay Soomaaliya ku codsanayso inay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

    Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo Soomaali ah oo dhan ilaa 5 kun oo lagu tababaray dalka Eritrea inay tababarkooda dhammaysteen sannadkii hore bartamihiisa balse dib loo dhigay soo noqoshadooda, si aysan saamayn ugu yeelan xaaladdii siyaasadeed iyo doorashada ee dalku ku jiray.

    Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey madaxweynihii hore Farmaajo, waxaana uu sheegay inuu yahay oday Soomaaliyeed oo lagala tashan doono xaaladda waddanka.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ee ku sugan Eritrea sida ugu dhaqsaha badan loogu soo celin doono dalka si ay uga qaybqaataan xoraynta waddanka, sida uu hadalka u dhigay.

    Munaasabadda Xilwareejin Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa ka soo qayb galay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, madax xilal sare ka soo qabtay dalka, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo marti sharaf kale.

    May be an image of 2 people, people standing, suit and indoor
    May be an image of 11 people, people standing and outdoors
    May be an image of 3 people, people standing and outdoors
    May be an image of 2 people, people standing, suit and indoor
    May be an image of 3 people, people standing and indoor
    May be an image of 5 people and people standing
    May be an image of 14 people, people standing and outdoors
    May be an image of 2 people, people standing, military uniform and outdoors
    May be an image of 8 people, people standing and outdoors
    Doorashada Farmaajo Top Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXilkii ugu horeeyay oo Xasan Sheekh u magacaabayo Senator hore oo xisbigiisa ka tirsanaa
    Next Article Farmaajo oo laga sagootiyey Villa Somalia iyo Ballanqaad uu siiyey Madaxweyne Xasan Sheekh

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo