Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta loo calaama-saaray madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, ayaa khudbad qoraal ah oo uu jeediyey ku fasiray waxa uu ula jeedo halheyskiisii Doorashada ee ‘Soomaali heshiis ah’.
Qeybta hore ee Khudbadii Xasan Sheekh ayaa waxaa kaa mid ahaa 8 qodob oo uu ku sheegay waxa uu ula jeedo ‘Soomaali heshiis ah’ wuxuuna yiri: Marka aan ka hadalno SOOMAALI HESHIIS AH, waxaan ula jeednaa qodobbada soo socda:
1- Dhab u heshiisiin baahsan oo dhexmarta shacabka Soomaaliyeed, si loo xalliyo tabashooyinka la kala qabo.
2- Waxaan boogaadinayaa horumarka iyo degenaanshiyaha deegaanada Somaliland. Waxaan si gaar ah diiradda u saari doonaa, sii wadida wadahalada, iyadoo mar kasta laga jawaabayo dadkeenaas Soomaaliyeed inay helaan xaqa muwaadinnimo ee ay leeyihiin.
3- Waxaan ka hortagi doonaa wax kasta oo caqabad ku noqon kara wadahalada iyo dib u heshiisinta, si ay dadkeenu iskugu dhawadaan.
4- Xasillooni siyaasadeed oo lagu gaarayo wadatashi, wada-oggol iyo wadajir ka dhaxeeya hoggaanka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dowladda federaalka ah, iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo mar kasta la tixgalinayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala ama loo sameyn doono.
5- Taabbagalinta hannaanka federaalka si uu u noqdo mid gaara heer degmo, si dadka loogu dhaweeyo dowladnimada.
6- Taabbagalinta heshiiska bulsho ee ku suntan dastuurka qabyada ah, iyadoo lagu gaarayo isqancin iyo isku tanaasul.
7- Taabbagalinta hannaanka dimoqraadiyadda ee ku saleysan xaqsiinta muwaadinka Soomaaliyeed, si uu u noqdo mid ciddii uu doona doorto, meel walbana laga dooran karo.
8- Dhismaha garsoor hufan, madax-bannaan isla markaana haqabtiri kara baahida caddaaladeed ee shacabka Soomaaliyeed. Caddaaladdu waa udub-dhexaadka Soomaali heshiis ah.



