Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caaw soo saaray wareegto Madaxweyne oo uu dib ugu soo celiyey darajadii ciidan ee madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ka qaaday Jeneraal Saadaq Joon.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu darajadiisii ciidan u soo celiyay Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed, iyadoo dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed dib loo soo celiyey, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.
“Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.” ayaa lagu yiri Wareegtada Xasan Sheekh
Xeerkan ayaa dhaqan galay Isniin, 15-ka bishan Ogoosto, 2022 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
