Xisbiga cusub ee Midowga Nabadda & Dimoqraadiyadda UPD ayaa kulankiisii ugu horeeyay isugu yimid magaalada Muqdisho, iyadoo dastuurkiisa lagu ansixiyay, laguna doortay Guddoomiye KMg ah.
Xisbiga cusub ee siyaasadeed waxaa guddoomiye KMG ah loogu doortay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo kulanka ay ka dhex muuqdeen xildhibaanadii Qabyo iyo xubnaha xisbigi Daljir ee shalay la kala diray.
Xisbiga cusub ayaa sheegay inuu xafiisyo ka furan doono gobollada dalka, iyadoo kulan weyn uu yeelan doono bilaha soo socda.
Ku dhawaaqidda xisbiga idowga Nabadda & Dimoqraadiyadda UPD ayaa loo soo hormariyey, iyadoo la filayo inuu ka dhoofo dalka, isagoo ku sii jeeda qaaradda Yurub oo olole siyaasadeed uu ka bilaabi doono.