Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa maanta tegay xarunta Villa Somalia ee looga arrimiyo Soomaaliya, halkaasoo uu ku qaabilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Socdaalka Madaxweynaha la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku saabsanaa kala war qaadasho, waxaana madaxweynaha cusub oo uu wehliyo madaxweynihii hore ay ku soo wareegeen xafiisyada Madaxtooyda Villa Somalia oo dhowaan uu ku shaqeyn doono madaxweyne Farmaajo.
Farmaajo ayaa u kuurgalay xaaladda Madaxtooyada iyo shaqaalaha ka howlgala, waxaana warar kala duwan sheegayaan inuu shaqaale cusub qoran doono iyadoo uu dhowaan magacaabo madaxa Madaxtooyada.
Caleemo saarka madaxweynaha cusub ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho ka dhaco aakhirka toddobaadkan, iyadoo la diyaarinayo xaflad weyn oo arrintan ku saabsan.
Wadani.com