Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xilka la wareegay ayaa wareegto ku magacaabay mas’uulkii labaad oo ka tirsan xisbigiisa UPD.
Wareegto kasoo baxay Maaxtooyada ayaa lagu magacaabay Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan inuu noqdo Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.
Mas’uulkan oo hore usoo noqday Senator ayaa looga adkaaday doorashadii uu dib ugu soo laaban lahaa kursiga, waxaana uu ka tirsanaa saaxiibada Xasan Sheekh iyo xisbigiisa, waana xilkii labaada ee agaasinka madaxtooyada uu magacaabo madaxweynaha cusub.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Agaasime Ku-xigeenka Cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoo kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.
Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Amiin ayey Madaxtooyada shaacisy inuu yahay aqoonyahan labo shahaado ka haysta heerka 2-aad ee jamaacadda, isaga oo ku takhasusay Horumarinta Dhaqaalaha, Maareynta Nabadda iyo Aammaanka Afrika.
Wuxuu uu hore u soo noqday Sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu soo noqday Safiir Ku-xigeenka safaaradda Somaliya ee dalka Kenya.