Madaxweynaha xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta iska xaadiriyay xarunta Villa Baydhaba ee Guddiga Doorashada si uu isu diiwaangeliyo.
Musharax Xasan Sheekh ayaa noqday musharixii 12-aad ee la siiyo shahaadada musharaxnimada xilka madaxweynaha Soomaaliya oo uu doonayo in din loo doorto.
Guddiga Doorashada ayaa si gaara u qaabilay Xasan Sheekh Sheekh iyadoo dhoola-cadeyn badan aya goobta ka dhacday, waxaana la socday xubno fara badan oo madaxda taageersan ka mida.
Musharixiinta sida rasmiga ah ilaa iyo hadda isu diiwaangeliyay ee u tartami doona xilka Madaxweynaha ayaa gaaray galabta gelinkii danbe 15 musharax oo u badan kuwii hore ugu loolamay doorashadii 2012.
SAWIRRO
Wadani.com