Madaxweynaha Soomaaliya ayaa odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada Baarlamaanka u jeediyay dardaaran ku saabsan inay door muuqda siiyaan haweenka una arkaan lafdhabarka dadka.
Isagoo ka hadlayay munaasabadda 1-da Luulyo ee xoriyadda ayuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay gabdhaba lagama maarmaan u yihiin qaranimda iyo isku xirka Bulshada, loona baahan yahay in Odayaasha ay tixgelin siiyaan.
Hadalkan ayaa soo baxaya iyadoo Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay dhowaan xilka ka qaadeen laba ka mida Wasiirada xukuumadda Soomaliya oo haween ahaa iyagoo ku bedelay laba kale oo rag ah.
Akhri: Xasan Sheekh & Cumar C/rashiid oo baabi’iyay qoondadii Haweenka ee Golaha Wasiirada
Dhageyso codka Madaxweynaha
Wadani.com