Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Xasan Sheekh oo ogolaaday Heshiiskii Shidaalka ee Somaliya Shirkadda Coastline Exploration

    Xasan Sheekh oo ogolaaday Heshiiskii Shidaalka ee Somaliya Shirkadda Coastline Exploration

    October 21, 2022Updated:October 21, 20222 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa taageeray soona dhoweeyay Heshiisyada wadaagga wax-soosaarka Shidaalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration, oo hore muran uga taagnaa.

    Kulan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku sugnaayeen madaxda Shirkadda heshiisla lala galay, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Garyaqaanka Guud kadib ayaa qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha lagu sheegaya inuu Xasan Sheekh ayaa soo dhaweeyay toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax soosaarka shidaalka.

    Wasiirka Batroolka oo heshiiska cusub horkacaya ayaa dib u habeynta heshiiskan la kaashaday Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada, waxaamna madaxtooyada ay sheegtay in lagu guuleystay in dib loo saxo qodobbadii ay ka jirtay tabashada, taas oo dhabbaha u xaareysa in loo hirgeliyo heshiiskan si ay ku qanacsan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

    “Waxaan dib u eegid ku sameynay heshiisyadii la galay bishii Febraayo 2022, si aan u saxno hannaanka loo maray iyo qodobbada heshiisyada ka kooban yahay. Garyaqaanka Guud iyo qareenno calami ah ayaa si gaar ah u soojeediyay isbeddel lagu sameeyo qodobbo kooban, si waafaqsan shuruucda Soomaaliya, taas oo aan ku guuleysannay. Wax ka beddelka lagu sameeyay heshiisyada ayaa gaaray illaa shan qodob, kuwaas oo lifaaq ahaan uga mid ah heshiisyada ( deed of amendment of the PSAs).” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay kobaca dhaqaalaha iyo sida ay fursad ugu tahay in dadka Soomaaliyeed ay ka baxaan saboolnimada, macaluusha iyo dhibaatooyinka ay la daalaa-dhacayaan.

    “Dadka Soomaaliyeed waxay la daalaa-dhacayaan duruufo dhaqaale oo adag, taas oo sannad kasta laga diro qeylo dhaan iyo in aan u baahan nahay gurmadka iyo taageero calami ah, taas si aan uga gudubno waa in aan la soo baxnaa kheyraadkeenna, horumarinnaa dhaqaalaha iyo dakhliga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Xasan Sheekh.

    Munaasabadda toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ay ka mid yihiin: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Ergayga gaarka Madaxweynaha ee arrimaha ganacsiga caalamiga ah, mas’uuliyiin ka tirsan Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed iyo maamulka Shirkadda Coastline Exploration.

    Ma jirto wax faahfaahin ah oo lasoo bandhigay oo k usaaban qodobadda wax laga bedelay, sida Dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Coastline Exploration u qeybsadeen saamiga iyo, lacagta hordhaca ah ee ay heleyso dowladda Soomaaliya.

    Coastline Exploration Hassan Sheikh Heshiiska Shidaalka Somalia Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXasan Sheekh oo Guddoon cusub u magacaabay Maxkamadaha G/Banadir iyo Rafcaanka
    Next Article Shirkadda Coastline Exploration oo shaacisay Lacagta ay ku bixisay Saxiixa Heshiiska Shidaalka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo