Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn uga hor yimid in Gobolka Banaadir uu xubno ku yeesho Aqalka Sare ee Baarlamaanka, isagoo culeys weyn ku saaray Guddiga dib u eegista heshiiska inay arrintaasi sideeda u daayaan.
Dood adag iyo kulankii labaad oo xalay dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid dhex maray guddiga Baarlamaanka ayaa qaatay saacadihii ugu badnaa ee shir caadi ah gaaro, waxaana madaxweyne Xasan uu ku dooday in Gobolka Banaadir arrintiisa dib loogu dhiso markii sharci gaara loo sameeyo.
Guddiga Baarlamaanka ayaa si adag u diiday arrintan, taasina waxay keentay in Guddiga iyo madaxweynaha isku mari waayaan. Xubno ka mida guddiga ayaa madaxweyne si kulul ula hadlay una sheegay inuu diidan yahay xaqa dadka reer Muqdisho oo dowladda oo dhami ku tiirsan tahay.
Heshiiska Doorashada oo lagu waday in Baarlamaanka la horkeeno ayaa cadaadis kale uga yimid beesha caalamka, waxaana arrinta markan soo farageliyay dowladda Mareykanka oo safiirkeeda uu kulamo kala gaara ugu yeeray xubnaha Guddiga oo si beel beel ah ula kulmay maanta.
Wadani.com