Madaxweynaha Soomaaliya ee xilka sii haya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qirtay in qorshihii isku dhafka ciidamada Qaranka Soomaaliya uu hirgeli waayay intii uu xilka hayay.
Isagoo ka hadlayay sababaha keenay dib u dhaca ku yimid qorshihii ahaa in isku dhafka ciidamada ayuu sheegay inay ugu wacneyd dagaalka lagula jiro Alshabaab iyo dhaqaale yari heysatay dowladda Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray in howsha isku dhafka Ciidamada ay socoto, isla markaana xerada Deynuunaay ee duleedka Baydhaba lagu diyaarinayo isku dhafkii ugu horeeyay ee ciidamada.
DHAGEYSO
Wadani.com