Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud aya shaaciyay inuu ka bogsooday cudurka Covid-19 oo uu isu karaantiilay, kadib safarkii uu kasoo laabtay ee dalka Imaaraadka Jimcihii hore.
Madaxweynaha oo jeediyey warbixin ku saabsan xaaladiisa caafimaad ayaa yiri: “Muddo 5 maalmood ah oo aan u hoggaansanaa habraacyada iyo talooyinka bahda caafimaadka ee la xiriira COVID-19, waxaan shalay iyo maantaba maray baaritaankii ugu danbeeyey, kaas oo natiijadiisu ay noqotay in la iga waayey COVID-19, sidaas awgeedna, waxaan dib ugu howlgalayaa xafiiska, si aan u sii dardar geliyo shaqadii qaran ee aad ii wakiilateen.”
Xasan Sheekh diray hambalyada toddobaadka xorriyadda dalkeenna. “Waxaan mar kale ugu hambalyeynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed todobaadka xorriyadda oo aynu ku guda jirno, anigoo ka codsanaya in ay is caawiyaan, si gaar ahna u xoojiyaan gacansiinta iyo taakuleynta dadkeenna ku dhibaateysan abaaraha.”
Wuxuu kaloo ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre kalsoonida uu ka helay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo in uu la wareegay xilka Ra’iisul wasaarennimo, waxa ayna wadajir u kormeereyn Madaxtooyada qaranka, gaar ahaan qeybaha jimicsiga iyo beeraha.





