Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hawlaha uu mudnaanta siinayo 100-ka maalmood ee ugu horreeya xilkiisan cusub.
Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dhaqan gelinayo sharciyo la ansixiyo oo ku saabsan tallaabooyin dhinaca amniga ah, xasillooni siyaasadeed iyo dib usoo kabashadda dhaqaalaha, isagoo sheegay in la ansixin doono sharciyada muhiimka u ah fulinta hawlahaas.
1- Ansixinta sharciyada horseedaya Amniga, xasloonida siyaasaddeed iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.
2- Gabagabeynta Arrinta Deyn cafinta
3- Dib u habeynta Hay’adaha Amniga, lagana dhigo kuwo nidaamka federaalka la socon kara
Isagoo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayuu sheegay in xaalada Amniga uu xoogga saari doono in amniga Muqdisho, taasoo laga xaqiijin doono Gobollada Shabeellooyinka, ayna adeegsan doonaan sirdoon xoog leh.