Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Xasan Sheekh oo soo saaray Baaq u xaglinaya qoondada Haweenka ee Aqalka Sare

    Xasan Sheekh oo soo saaray Baaq u xaglinaya qoondada Haweenka ee Aqalka Sare

    October 16, 20162 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtoooyada Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay Baarlamaanka Galmudug oo doortay xubnaha Aqalka Sare.

    War-saxaafadeedka madaxweynaha xilka sii haya ee Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu xaglinaya qoondada haweenka isagoo hambalyo gaara u diray labada haween ee ku guuleystay inay galaan aqalka sare.

    AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA

    Mogadishu, 16 October 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhoweeyey Madaxda iyo Baarlamaanka Galmudug tallaabadii dimoqraadiyada aheyd oo ay xubnaha Aqalka Sare u matalaya Galmudug ku doorteen iyo gaar ahaan inay labo haween ah u soo doorteen Aqalka Sare oo ah tallaabo horey loogu qaaday Doorashada 2016ka.

    Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan marka hore u hambalyeynayaa xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug doorashadii ay shalay iyo maanta ku doorteen xubnihii u matalayey Aqalka Sare ee Jamhuuriyada Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha iyo Dowlad Goboleedka GalMudug oo iyagana wadatashi ka dib u gudbiyey baarlamaanka xubnihii u tartamayey inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee dalka.”

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa si gaar ah u bogaadiyey doorka haweenka ee baarlamaanka Galmudug u soo xulay Aqalka Sare, isla markaasna u hambalyeeyey haweenkii ku guuleystay doorashooyinkii shalay iyo maanta.

    “Waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa Zamzam Dahir Maxamud iyo Jawaahir Axmed Cilmi oo noqday labadii dumar ee ugu horreeyey ee loo doorto inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee dalka, waana taariikh cusub oo Soomaaliya u bilaabatay. Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa horey u go’aamiyey in ugu yaraan 30% xubnaha labada Aqal ay noqdaan dumar, sidaas daraadeed, waan soo dhoweynayaa sida dimoqraadiyada ah oo ay baarlamaanka Galmudug u soo xusheen labo haween ah oo ka mid ah 8da xubnaha Aqalka Sare ee matalaya deegaanada Galmudug.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

    Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Dowlad Goboleedyada kale inay sidaas oo kale ay xubnaha Aqalka Sare u soo xushaan oo Baarlamaanada Dowlad Goboleedyadana aan ka codsaneynaa in matalaada haweenka ee Aqalka Sare ay soo xushaan. Haweenka Soomaaliyeed waa geesiyaal u istaagay nabadeynta iyo horumarka dalka, waxaana hubaa inay door wanaagsan ka qaadan doonaan dar-dargelinta horumarka dalka ka jira.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay door muhiim ah ka qaataan doorashada 2016ka oo ay Dowladda, Dowlad Goboleedyada, Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ay kala shaqeeyaan inay doorashooyinka dib u dhicin isla markaaan u qabsoomaan sidii loogu talagaley.

    –Dhammaad–

    Aqalka sare Doorashada 2016 Qoondada haweenka Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddiga Doorashada oo Digniin & Baaq u kala diray Saddex Maamul Goboleed [War-saxaafadeed]
    Next Article Beesha Caalamka War Cad ka soo saartay in hogaamiye kooxeedy & argagixiso loo doorto Aqalka Sare

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo