Madaxweynea Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda FederaalkaXamse Cabdi Barre oo 15-kii Bishan uu magacaabay.
Qoraalka Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre lagu soo xulay aqoonta iyo kartida hoggaamineed ee uu u leeyahay howlaha hortabinta u leh dalkeenna.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa taxay qodobadda la doonayo inay ka shaqeyso xukuumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre, wuxuuna dardaraaran ahaan u sheegay qodobaddaasi oo kal ah:
1- Xukuumad ka shaqeysa xoojinta amniga
2- Gurmadka Abaaraha
3- Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha
4- Adeegyada Bulshada
5- Dib u heshiisiinta
6- Dhammeystirka dib u eegista dastuurka
7- Xoojinta Dowladnimada iyo hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.