Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee birmo-geydada ah ee maanta argagixisada Alshabaab ay ku xasuuqeen isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal a soo saartay ku sheegtay in Madaxweynaha uu Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyada argagixisanimo ee kooxdan khawaarijta ahi kula beegsadeen Soobbe in uu fadhigooda ka yeello Jannatul Firdowsa, inta dhaawacyada ahna uu siiyo caafimaad degdeg ah.
Qoraalka Madaxtooyada waxaa ka mid ahaa khudbad uu maanta ka jeediyay shirkii Hannaanka la dagaallanka fikirka xagjirnimada ee Muqdisho kusoo dhammaaday iyadoo isku xirtay khudbadiisa iyo tacsida qaraxya Soobe.
“Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa sii caddaanaysa arxan-darrada iyo cadaawadda khawaarijta Alshabaab ay u hayaan qof kasta oo Soomaaliyeed. Qaraxa, dilka, xabadda la riday, ceelka la gubay, Masaajidka la dumiyey, maatada la gumaaday, dhammaan lacagta aad bixisaa qeyb ka ah ogoow, qofkii Alshabaab lacag siiyoow”.
