Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu socdaalkiisii ugu horeeyay ku tago maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Socdaalkan ayaa ujeedadiisa lagu sheegay in lagu qaboojiyo xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashadii Xasan Sheekh ee xilka Madaxweynaha, iyadoo madaxda K/Galbeed iyo Galmudug oo taageero u ahaa madaxweynihii hore ay hadda wajahaayana culeyso uga imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka ku ahaa.
Taagerayaasha Madaxweynaha K/Galbeed ayaa dhowan ka digay olole laga bilaabay Muqdisho oo lagu doonayo in xilka looga qaado C/casiis Lafta-gareen, waxaana isla markii la doortay Xasan Sheekh sare u kacay dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta kasoo jeeda K/Galbeeday ku doonayaan doorasho ka dhacda maamulkaas.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa sidoo kale wajahaya cadaadis ku saabsan xilkiisa, waxaana uu ka mid ahaa taageerayaasha Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligan ku jira magacaabidda mas’uuliyiinta dowladda cusub, lagana sugayo Ra’iisal wasaare uu soo magacaabo ayaa dhinaca kale inuu qaboojiyo xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamuladii sida weyn u taageersanaa Farmaajo.
