Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil cusub u magacaabay Agaasimihii madaxtooyada Soomaliya ee is casilay, kana mid ahaa Musharixiinta xilka Madaxweynaha maamulka K/Galbeed.
Wareegto kasoo baxday Madatooyada Soomaaliya ayaa Xuseen Sheekh Maxamuud loogu magacaabay inuu noqdo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka, xilkaas oo uu hore u hayey Dr. C/raxmaan Baadiyow.
Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa madaxda Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD ayaa xilka agaasimaha Madaxtooyada iska casilay Bishiii Ogost ee sanadkan, isagoo ma mid noqday Musharixiinta xilka Madaxweynaha maamulka K/Galbeed.
Wuxuu hore u soo noqday Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka iyo Xoghayaha Guud u soo noqday Guddiga Dhameystirka Dib u Eegista Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.