Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiriir toos ah la sameeyay Amiirka Dalka Qatar Amiir Tamim Bin Hamad Al-thani.
Sida ay qortay Wakaalada Wararka Qatar Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Telefoon u diray Amiirka dalka Qatar, iyagoo ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo sida loo xoojin karo.
Waxay kaloo labada mas’uul ka wadahadleen xaaladda Gobolka. Ma jiro wax warr ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo ku saabsan xiriirka khadka telefoonka ku dhex maray madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka dalka Qatar.
Dalka Qatar ayaa si weyn u taageerayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xiriir gaara kala dhaxeeyay, waxaana xilligan xoogeystay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
