Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Xasan Sheekh, RW Xamza iyo Aden Madobe oo si kulul uga hadlay Geerida Nabadoon Cilmi Hagar

    Xasan Sheekh, RW Xamza iyo Aden Madobe oo si kulul uga hadlay Geerida Nabadoon Cilmi Hagar

    September 29, 2022Updated:September 29, 20222 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay Geerida Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo maanta ku dhintay dagaal uu Alshabaab kula galay degaan ka tirsan degmada Moqokori.

    Farriin uu dalka Itoobiya kasoo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu tacsi tiiraanyo leh ugu diray ehelka, qaraabada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha ha u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar Guure.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Nabadoon Cilmi Hagar Guure uu ka mid ahaa geesiyaasha hor-kacayay kacdoonka Shacabka ee lagula dagaalamayo kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab, isagoo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan kacdoonka ay kula dirirayaan nabad diidka khawaariijta ah oo uu hada gabalkoodu sii dhacayo.

    Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa farriintiisa tacsida ahaa isna ku yiri: “Mujaahid Cilmi wuxuu kamid ahaa odayaashii ugu horreeyay ee diiday gumeysiga iyo dhibaatada ay dadka Soomaaliyeed ku hayso argagixisadu, Wuxuuna astaan iyo halbeeg u yahay jihaadka iyo dabargoynta ka dhanka ah kuwa dadkeenna nabadda iyo xasiloonida u diiday. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu Mujaahid Cilmi ka waraabiyo Jannadiisa midda ugu sareysa”.

    Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka qaraabada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uu ka baxay Nabadoon Cilmi Hagar Guure.

    “Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Gobolka Hiiraan uga tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo saakay ku geeriyooday dagaalka lagu la jiro kooxda Arxan-laawiyaasha ah ee Al-Shabaab.”

    Dhinaca kale Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlawe ayaa ahaa mas’uulkii ugu horeeyay ee tacsi u dira nabadoonka iyo Ehelkiisa, isgoo ku tilmaamay tusaale lagu dayan doono.

    Tacsida Nabadoon Cilmi Hagar Guure ayaa hareysay Baraha bulshada ee Soomaalida, wuxuuna ahaa nabaddoonkii ugu horeeyay ee isagoo la dagaalmaya Alshabaab ku geeriyooday goobaha dagaalka.

    Cilmi Hagar Guure Sheekh Aadan Tacsi Top Xamza Cabdi Barre Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin laga helay Dagaal lagu hoobtay oo maanta ka dhacay Degaan ka tirsan Moqokori
    Next Article War-Murtiyeed 10 Qodob ah oo laga soo saaray kulamadii Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo