Wafdiyo ay kala hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kusii jeeda magaalada Kismaayo.
Wafdiga madaxweynayaasha hore waxaa ku wehlin doona xildhibaano ka tirsan labada Gole oo ka tirsan xisbiyada ay kala hoggaamiyaan labada madaxweyne ee hore, waxaana ay ka qeyb galayaan caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Kismaayo ka dhacaya.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Dowladda Federaalka ay la noqotay xayiraadii ay saartay siyaasiyiinta tegaya magaalada Kismaayo ee doonaya ka qeyb galka caleemo saarka, iyadoo dowladda Federaalka ay sharci darro ka dhigtay doorashadii Axmed Madoobe ee Bishii Ogost ka dhacday magaalada Kismaayo.
Xubnaha maanta tegaya magaalada Kismaayo waxaa ka mida Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, C/raxmaan Faroole, Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo xildhibaano.