Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaciyay Liiska 18 qof oo isugu jira Agaasimeyaal madax sare ahaa, saraakiil iyo xubno ka tirsan Wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya oo loo heysto Kiisas Musuqmaasuq ah.
18-ka qof ee lagu soo eedeeyay musuqmaasuqa waxaa la qabtay oo xiran 9 ka mida, waxaana la sheegay inay dalka ka maqan yihiin si baxsad ahna qaarkood u goosteen, sida uu shaaciyay Xer ilaaliyaha.
Xeer ilaaliyaha ayaa ka dalbaday maxkamadda inay mudeyso xilliga sharciga la horkeenayo xubnaha xiran, kuwa maqana loo gudbinayo eedeyma loo heysto.
Mas’uuliyiinta baxsadka ah waxaa ka mida: Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha, Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Agaasimihii Hay’adda ee xilka ku wareejiyay, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo Agaasimihii Waaxda Canshuuraha Berriga Muxiyadiin Xasan Jurris.
JOOGE- XIRAN
1- Cabdulaahi Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada (06-08-2020
2- Maxamed Cadde Mukhtaar Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada (2015 – 2020
3- Cabdullaahi Maxamed Cosoble Agaasimaha Waaxda Ajaaniibta
4- Cumar Macallin Kutiin Agaasime ku xigeenka Waaxda Ajaaniibta
5- Saabir Xasan Cabdi Nuur Madaxa Hubinta Visa kordhinta Waaxda Ajaaniibta
6- Aadan Maxamed Cabdi Maamulaha Qaadasha Visa-ha ee Waaxda Ajaaniibta
7- Abubakar Maxamed Cali Maamulaha Cashuuraha Barigga
8- Cabdiqaadir Cabdi Socdaal (Abtidoon) Khasnajiga qaybta Ajaaniibta
9- Maxamed Aadan Cabdullaahi Maamulaha Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde
MAQANE/Baxsad
1- Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim Madax-qaybeedka Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqaalaha.
2- Cabdullaahi Daahir Weheliye Khasnajiga Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde
3- Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim
4- Muxiyadiin Xasan Julus (Saabey)
5- Maxamed Idiris Axmed
6- Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)
7- Cabdiqaadir Cilmi Cali
8- C/raxmaan Maxamed Cali
9- Abubakar Xasan Aadan