Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Xeer ilaaliyaha Guud oo difaacay Xariga Cabdalla Muumin, tallaabana ka qaadaya taliyaha Xabsiga Dhexe

    Xeer ilaaliyaha Guud oo difaacay Xariga Cabdalla Muumin, tallaabana ka qaadaya taliyaha Xabsiga Dhexe

    February 28, 2023Updated:February 28, 20234 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa warbixin kasoo saaray Kiiska xoghayaha SJS Cabdalla Axmed Muumin, isagoo sheegay inuu si sharciga waafaqsan u xiran yahay, yahayna maxbuus.

    “Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranka & Hay’adaha Garsoorka dalka waxay cadaynayaan in Xukunsane Cabdalla Axmed Muumin uu u xiran yahay si waafaqsan Sharciga oo kaliya, uuna la mid yahay muwaadiniinta kale Soomaali- yeed ee ku xiran Xabsiyadda Dalka, isla markaasna kiiskiisu ahayn mid la xariira Sharciga Saxaafadda”. ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliayha guud.

    Dhinaca kale xeer ilaaliyaha Guud wuxuu sheegay inuu baaris ku wado dhacdadii Taliyaha & Saraakiisha Xabsiga Dhexe ee Xamar ku sii daayeen xukunsanaha, sida uu sheegayna uga hor yimaadeen xukunka Maxkamadda.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA

    28/02/2023 WAR-SAXAAFADEED

    Hay’adaha Amniga ayaa soo xiray Cabdalla Axmed Muumin ka dib markii uu ka hor yimid go’aanka Dow- ladda ee la xiriiray Amniga Qaranka iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta, isla markaasna ku xad gudbay Qodobadda kala ah: 219, 321 & 505 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed & Qodobada 64 & 65 aad ee Sharci No 005 ee 02/10/2017 “Sharciga Isgaarsiinta Qaranka”.

    Hay’adda Danbi Baarista (C.I.D) oo fulinaysa habraaca ku xusan Qod: 24aad ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed ayaa baaris ku samaysay kiiska xukunsanaha, isla markaasna natiijadda baarista kama danbaysta ah u soo gudbisay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, si waafaqsan Qod: 26aad ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed.

    Maxkamadda Gobolka Banaadir oo tixgalinaysa codsiga uu xukunsanuhu u gudbistay ayaa soo saartay warqadda Sum: MGB/69/2022-BG, kuna Taariikhaysan 22/10/2022, taas oo ujeedadeedu ahayd amar Damaanad (xoriyad ku meelgaar ah) ku siidaysay Xukunsane Cabdalla, taas oo uu banaanka ku joogay ilaa 13/02/2023 oo ah maalintii Xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir lagu dhawaaqay.

    Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadka sharci ee loo igmaday ayaa Maxka- madda Gobolka Banaadir u gudbiyay eedaha loo haysto xukunsanaha oo ka kooban sadex qodob oo dhamaantood ah Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed kuwaas oo kala ah 219, 321, 505 CXS.

    Maxkamadda Gobolka Banaadir oo gudanaysa waajibaadkeedda, ilaalinaysa Cadaaladda iyo dhex-dhexaad- nimadda, ayaa dhagaysatay kiiska Cabdalla tiro Afar fadhi ah oo ay, si isku mid ah oo u siman dhinacyadda dacwadda u siisay waqti ku filan, dhagaysigii kadib Maxkamadu waxay xukunsane Cabdalla ku heshay Qod: 505 XCS. Maxkamadu waxay, si faahfaahsan xukunka ugu sheegtay asbaabaha ay u cuskatay qodobka ay ku heshay, sidoo kale waxay kala laabatay Damaanadii uu banaanka ku joogay, waxayna amartay in Xabsiga la geeyo, si uu u dhamaysto xukunkii Maxkamadda oo ahaa bil & 19 Cisho.

    Taliyaha & Saraakiisha Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa sifo sharciga baal marsan ku sii daayay xukunsanaha, iyaga oo ka hor yimid xukunka Maxkamadda, maadaama ay siidayntu baalmarsanayd Sharciga, waxaa loo diiwaan galiyay in uu xukunsanuhu yahay baxsad, waxaana Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed amar lagu siiyay in ay dib u soo xiraan xukunsanaha, si waafaqsan Qod: 35aad faqradda laad Xarafka B ee XHCS.

    Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo fulinaya amarka Hay’adda Garsoorka, isla markaasna gudanaya waajibaadkiisa Sharci, si waafaqsan Qodobadda: 9aad & 10aad ee Xeer Lam No. 2 ee 23 December 1972 “Xeerka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” iyo Qod: 8/2aad ee Sharci Lam No. 3 ee 12-Juun- 1962 “Sharciga Nidaamka Garsoorka” ayaa gacanta ku soo dhigay xukunsanaha dibna Xabsiga Dhexe ugu soo celiyay 23/02/2023, kaas oo baxsad ahaa mudo 10 cisho ah.

    Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaris ku wada dhacdadii Taliyaha & Saraakiisha Xabsiga Dhexe ee Xamar ku sii daayeen xukunsanaha, ayna kaga hor yimaadeen xukunka Maxkamadda, waxaana natiijadda baarista ka soo baxda la horgayn doonaa Maxkamadda awoodda u leh.

    Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranka & Hay’adaha Garsoorka dalka waxay cadaynayaan in Xukunsane Cabdalla Axmed Muumin uu u xiran yahay si waafaqsan Sharciga oo kaliya, uuna la mid yahay muwaadiniinta kale Soomaali- yeed ee ku xiran Xabsiyadda Dalka, isla markaasna kiiskiisu ahayn mid la xariira Sharciga Saxaafadda.

    Haddaba, Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu ugu baaqayaa cid walba oo danaynaysa kiiskan, in ay sifo sharci ah ku raadsadaan xuquuqdooda, dhowraanna madax-banaanidda Garsoorka iyo waajibaadkiisa shaqo, lana ixtiraamo Xeerarka & Shuruucda Dalka.

    Cabdalla Muumin Kiiska Cabdalla Muumin Top Xeer ilaalinta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Dowladda oo Muqdisho ku dilay Darawal Bajaajle ah iyo Bannaanbax ka dhashay
    Next Article Sidee Aqalka Sare lagu marsiiyey Sharcigii Cunaqabteynta Maaliyadda? (Fadeexadii ka dhacday)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo