Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku magacaabay xeer-ilaaliye u gaara si baaris loogu sameeyo, gacantana loogu soo dhigo kuwii soo abaabulay, qorsheeyay iyo kuwii fuliyay dilalka iyo waxyeelaynta ka dhanka ah Suxufiyiinta.
War-saxaafadeedka oo aan lagu xusin magaca xeer ilaaliyaha cusub ee baaraya denbiyada laga galo saxafiyiinta, ayaa soo baxay iyadoo xafiiska xeer ilaaliyaha Qaranka uu muddooyinkan danbe waday inuu saxaafadda dowlada si toos ah uga hadlo, isla markaana xoogga saaray arrimaha musuqmaasuqa, wuxuuna ka dambeeyay markii wasiirka Warfaafinta ee xila sii haya uu shaaciyey inuu dhaqangal yahay Xeerka saxaafadda ee uu saxiixay Madaxweyaha Bishii July 2020.
Soomaaliya ayaa ah dalalka ugu horeeya caalamka ee aan maxkamad lasoo taagin ama la qaban dadka dilka iyo dhaawacyada kula kaca saxafiyiinta, iyadoo kiiskad dilka saxafiyiinta ee soo bilowday 1991 aan intooda badan waxba laga qaban.
