Booliska magaalada Paris ayaa sheegay in xiddigta caanka ee Reality TV Kim Kardashian lacag malaayiin doolar looga dhacay magaalada Paris.
Dhaca ayaa la sheegay inay geysteen laba nin oo xirnaa dharka Booliska, kuwaasoo guri heer sare ah oo ay deganeyd ugu tegay kadibna bistoolado ku qabtay, waxaana laga qaatay Dahab iyo dheeman lagu qiimeeyay malaayiin doolar oo Euro.
Falkan lagu dhacay Kim Kardashian ayaa dhacay waaberigii saaka. Afhayeen u hadlay xiddigtan ayaa sheegay inay si weyn uga naxday falkan balse aan jir ahaan wax dhib ah soo gaarin.
Weerarka ayuu sheegay inay qaadeen laba nin oo indhaha soo xirtay kuna lebisnaa dareyska Booliska, warar kale ayaa sheegaya in dadka weerarkan ku lug lahaa ay gaarayeen shan nin.
Kardashian ayaa ku sugneyd guri u dhow Kaniisadad Madeleine ee Paris, waxaana socda baaritaan ku saabsan falkan oo ahaa mid si weyn loo soo abaabulay.
Wadani.com