Gudddomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlay sharciga argagixiso la dirirka ee xukuumadda Soomaaloya ku doodeyso inaanu ansixin Baarlamaanka, una xayiran tahay ayaa kashifay sir qarsooneyd oo ku saabsan sharcigaasi la isku hayo.
Wuxuu shaaciyay in xeerka wata magaca Argagixiso la-dirirka ay hore u soo gudbisay xukuumadda, balse markii ay guddi u saareen inay soo eegaan ay ogaadeen in xukuumadda sharci kale ay wadato oo qolooyin ajnabiay seminaar qabteen oo xukuumadiina mid kale wadato.
Wuxuu si cad u sheegay in argagixisada faham badan laga qabo oo umadda aanu u cuntamin ayna u jeediyeen xukuumadda in magaca laga bedelo.
DHAGEYSO MAHAD CABDALLA
Wadani.com