Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada maamulka Galmudug ay xireen xubin ka tirsan Ahlu-Sunna Waljamaaca ee Gobolada dhexe, laguna magacaabo C/qaadir Sheekh Cali Kulmiye.
Ninkan la xiray ayaa la sheegay in ciidamada ay ku hayaan xabsi ku yaala magaalada Cadaado, halkaas oo ay wararku sheegayaan inay ka jirto xiisad ka dhalatay xarigaasi. Xariga mas’uulkan ayaa yimid kadib markii laga soo qabtay degaanka Baxdo oo 100 KM ku dhowaad u jirta Degmada Cadaado. Wuxuuna ka mid ahaa nabad-doonadii wax ka dhisay maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu suna.
Ahlu-Sunna Wal-jamaaca, Galmudug iyo Dowladduba wali kama hadlin, waxaana Mustaqbal oo isku dayday in ay hesho masuuliyiinta arrintan ayan u suuragelin wali.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in nabad-doonka laga sii daayay xabsiga kadib markii ay xaaladda soo dhex galeen odayaasha dhaqanka ee degmada Cadaado oo arrintiisa soo dhex galay.
Goobooge.com
[ad name=”HTML-7″]