Wararka laga helayo magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in xaalad kacsan ay ka jirto magaaladaasi, kadib cidamo iska horjeeda oo isku hor fadhiya agagaarka xarunta Baarlamaanka Puntland.
Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee Garowe ayaa sii xoogeystay Xalay markii ciidamada taageersan Mucaadradka ee loo yaqaan Danab Puntland lagu arkay la wareegeen isgoyska Global oo ku dhow xarunta Baarlamanka oo lagu wado inuu maanta shir uga furmo xildhibaannada Puntland.
Baarlamanka Puntland ayaa la filayaa inay dood ka yeeshaan furista dastuurka maamulkaasi, sida uu doonayo Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, halka Siyaasiyiinta mucaaradka ee ka horjeeda iyo ciidamada taabacsan ay si weyn uga hor jeedaan arrintaasi una arkaan Qorshe muddo kororsi oo ay samaysanayso xukuumadda madaxweyne Deni.
Wadadka muhiimka ah ee magaalada oo ah tan Wadnaha ayaa la xiray saaka in la isku socdo, waxaana lagu arkay ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka ee maamulka Puntland oo ka horjeeda ciidamada Mucaaradka.
Xaaladda Garowe ayaa cakiran, waxaana la sheegay n dadka deganaa goobaha ciidamada la dhigay ay ka barakaceen, iyadoo la xiray qaar ka mida goobaha ganacsiga ee magaalada xilli laga cabsi qabo inuu iska hor imaad dhex maro labada ciidan.