Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Xikmad aan ka maqlay Xuseen Kulmiye [W/Q: Yusuf Garad]

    Xikmad aan ka maqlay Xuseen Kulmiye [W/Q: Yusuf Garad]

    April 29, 2016Updated:April 29, 20162 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Xikmad aan ka maqlay Xuseen Kulmiye
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Yuusuf_GaradAniga oo ah weriye da’ yar, khibraddeyduna ay kooban tahay ayaa Madaxa Radiyo Muqdisho uu ii diray in aan ka soo warramo munaasabad ay qabanqaabadeeda lahayd Wasaaradda Garsoorku.

    Madaxweyne Ku Xigeenka Soomaaliya, Xuseen Kulmiye Afrax Allah ha u naxariistee, ayaa wuxuu la hadlay wadaaddo goobta la isugu keenay.

    Hadda ma xusuusto munaasabaddu wax ay ay ahayd, laakiin waxaa madaxeyga ku qormay si wanaagsanna aan u xusuustaa erayo ka mid ah khudbaddii Xuseen Kulmiye aan galabtaas ka duubay.

    Xuseen Kulmiye wuxuu ka mid ahaa Odayaasha Dowladda ee lagu tiriyo in uu khibrad dheer oo shaqo uu u leeyahay Bulshada Soomaaliyeed.

    Waxaa uu culimmada u sheegay in marka cadowga lala hadlayo la isbuunbuuniyo xagga awooddaada Dowladnimo.

    Laakiin marka aad la hadleyso ummaddaada siiba kuwooda waxgalka ah oo aad kaalmada uga baahan tahay, wuxuu yiri, waa in aad u sheegtaa tabardarradaadu sida ay tahy iyo iimahaaga. Oo intaa aadan ugu ekeyn ee aad shaarka iska saarto oo aad tusto sida ay feerahaagu u yaallaan iyo murqahaaga daciifnimadooda. Galabta shaarka ayaan iska saarayaa si aad adinku garab noogu noqotaan, ayuu ku yiri Culimmadii. Ka dibna wuu u xog warramay.

    Kulmiye Dowladdiisu waxay ahayd dowlad dhaqaale ahaan, militeri ahaan iyo waxqabadba aad uga heer sarreysay Dowladaha Soomaaliya soo maray tan iyo 2012 oo ay ku jirto midda hadda dalka ka mas’uulka ah.

    Laakiin haddana waxaa uu ogaa baahida ay Dowladdu u qabto taageerada shacabka siiba culimmada diinta. Haddii aanay wax u qabanna ay ugu yaraan ka garaabi doonaan tallaabooyinka ay Dowladdu ka gaabisay fahmina doonaan caqabadaha ka hor yimid.

    Taageerada shacabka, fahamkooda Dowladda iyo ka garaabiddooda wixii gaabis ah waa saddex qodob oo Dowlad kasta muhiim u ah.

    Maanta adduunku waa kooban yahay, laba farriimoodna macquul ma ahan, laakiin haddana in la xusuusnaado in shacabka ay Dowladdu u xogwarranto waa mid lagama maarmaan ah.

    Xikmaddani waxay ila tahay mid aan wakhtigeedu dhaceyn oo ay ka faa’iideysan karto Dowladda Soomaaliya, ha noqoto midda hadda jirta oo xilligeedu gebageba yahay ama midda xigta ee curan doonta ka dib doorashada Soomaalida loo ballanqaaday in ay qabsoonto sannadkaan 2016 gudihiisa.

    Posted by Yusuf Garaad 

    Xikmad Xuseen Kulmiye Yuusuf Garaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Dowladda Somaliya iyo AMISOM oo la wareegay Galcad
    Next Article DEGDEG: Masjid dhisme ka socday Muqdisho oo ku dumay shaqaale fara badan

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo