Iyadoo isbedellada lagu sameynayo maamulka degmooyinka Gobolka Banaadir ay xilkii laga qaaday guddoomiyaha degmada Howlwadaag, iyadoo guddoomiye cusub loo magacaabay.
Waxaa xilkii laga qaaday Guddoomiyihii degmada Howl-wadaag Cabdi Kariin Cali Kaar, sida lagu caddeeyay wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha G/Banaadir, waxaan xilkaasi loo magacaabay Mahad Cabdi Caraale oo ka tirsanaa Shaqaalaha Gobolka Banaadir.
Dhowaan ayaa xilalkii laga qaaday oo isbedel lagu sameeyay guddoomiyeyaasha degmooyinka Dayniile, Shingaani iyo Waaberi, waxayna isbedellada degmooyinka G/Banaadir noqdeen kuwo Bille ah.
Wararka ayaa sheegaya in cusub ee degmada Howlwadag loo magacaabay ee Mahad Cabdi uu wato Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo dadka qaarkii u arkaan mas’uul saameyn weyn ku leh maamulka G/Banadir.

![Xil ka qaadista Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir oo xowli ku socda [Xi cusub oo la magacaabay]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2018/11/Cabdi-Carraale-e1541318434273.jpg)