Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Xil ka qaadista Xasan Muungaab oo saameyn xun ku yeelatay maamulka Gobolka Banaadir (Akhriso Fadeexado waaweyn)

    Xil ka qaadista Xasan Muungaab oo saameyn xun ku yeelatay maamulka Gobolka Banaadir (Akhriso Fadeexado waaweyn)

    March 7, 20152 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa toddobaadyadii ugu danbeeyay la hadal hayay in xilka laga qaadayo guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), arrintan oo caado u noqotay Madaxtooyada Soomaaliya in mas’uulka xilka laga qaadayo bilo ka hor wararkiisa suuqa laga helo. Siyaasadda noocan ah ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dad badan ku dhaliileen inay tahay mid qeyb weyn ka qaadatay musuqa baahsan ee dowladda Federaalka hareeyay iyo boobka hantida qaranka.

    Hore ayay u dhacday in Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) in ka badan hal sano la hadal hayay in xilka laga qaadayo iyadoo arrintaasi gaartay inuu k shaqeyn waayo, isla markaana jago wasiir ku xigeen loo magacaabo isagoo xilkii Gobolka haya. Tallaabooyinka Madaxtooyada iyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay guud ahaan uga dareen nidaamkii liitay ee dowladnimo iyagoo dhiirigeliyay boobka hantida qaranka, waxaan durba la dareemaya in waxqabadkii markii horeba iska liitay ee maamulka Gobolka Banaadir uu marayo halkii ugu liidatay ilaa xiligii kumeelgaarka.

    mungaab

    [ad name=”HTML-4″]

    Ciidamada Minishiibiyada waxay ku howlan yihiin oo qura canshuur qaadis iyo inay baacsadaan mootooyinka magaalada ka shaqeeya, daaraha dhismahoodu socdana ay lacago ka qaadaan. Guddoomiyeyaashii da’da yaraa ee looga fadhiyay waxqabadka waxay isu bedleen kuwo is ilaalinaya oo keliya u taagan inay tacbadaan inta aysan meesha ka tegin iyagoo ka baqaya inaysan ka danbeyn Guddoomiyahooda xilka laga qaadayo.

    Qaar kamida guddoomiyeyaasha degmooyinka waxay lacago qoonde ah ku soo rogeen dadka degan hareeraha wadooyinka qaarkood oo ay sheegeen inay dhisayaan. Tusaale ahaan dad fara badan ayaa degmada Hodon dhowaan la isugu geeyay iyadoo lagu amray inay bixiyaan mid waliba lacag gaareysa $300 si wadooyinka hor mara dadkaasi loogu dhiso, haddii ay bixin waayaana la xirayo.

    Waxaa kaloo la yaab leh in Maamulka Gobolka Banaadir uu bixinayo dhulal dan guud ah sida jardiinooyinkii magaalada oo la siinayo  dad gaar ah  oo ganacsi ka sameysanaya. Jardiinooyin badan oo dan guud ahaa sida Howlwadaag, Afarta jardiin, Lambar 4, SYL, Aargada, Bakaaraha iyo goobo kale waxaa qeybo ka mida la siiyay dad gaara oo ka dhigtay goobo ganacsi sida kaalimo shidaal iyo Baarar. Xaaladan aadka u ba’an ee Muqdisho ku jirto xilligan waxaa ugu danbeeyay in faras magaalaha KM4 ay ka muuqdaan qashin fara badan  oo aan laga qaadin, iyadoo maamulka Gobolka banaadir ku andacooday in Turkiga uu joojiyay howlihii nadaafadda.

    Wadani.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-6″]

    Gobolka Banaadir Xasan Muungaab
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya oo dib ula wareegtay deeq ay wasaarad kale ka heystay muddo 3 bilood ah
    Next Article XOG CULUS: La-taliyeyaashii Ra’iisal wasaaraha oo shaqadii laga joojiyay (XAALADDA KA JIRTA XAFIISKA RA’IISAL WASAARAHA)

    Related Posts

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    Taliyeyaashii Dhulka iyo Ciidamada Gaarka ah oo Xilalkii laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay

    November 3, 2024

    Isbedel ku yimid Xukuumada Somaliya (Magacyada RW ku xigeenka cusub iyo Wasiirada la magacaabay)

    October 22, 2024

    Madaxda Dalalka Somaliya, Masar iyo Eritrea oo ku shirsan Asmara iyo Isbaheysi cusub..

    October 10, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo