Xildhibaan ka mida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon ayaa ka mid noqday dadka mas’uuliyiinta ah ee ku geeriyooday Hotelka Saxafi oo weerar ay saarka aroortii ku qaadeen.
Xildhibaanka ayaa kamid ahaa dadka degan Hotelka oo ku dhintay weerarka kooxda Alshabaab. Wuxuuna ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda la tacaalayaan dabley kaliya oo la sheegay inuu weli ku dhex jiro hotelka si loo afjaro howlgalka.
Weerarka ayaa noqonaya mid kamida kuwii ugu qasaaraha badnaa ee kooxda ku qaado hoteelada Muqdisho marka la eego mas’uuliyiinta lagu dilay.
Dhaacawacyo ka badan 30 ayaa la gaarsiiyay isbitaalada Muqdisho sida Medina, Daaru Shifa iyo Digfeer.
Wadani.com