Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaannada ku kacsan hoggaanka Dowladda Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay xilka xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.
Isagoo ka jawaab celinayay eedeyn uu xeer ilaaliyaha u soo jeediyay laba xildhibaan oo saaxiibadiis ah, kulana jira olalaha ridista dowladda hadda jirta ayuu sheegay in xeer ilaaliyaha aanay ansixin Baarlamaanka Federaalka.
“Axmed Cali Daahir oo ku magacaaban xeer ilaaliyaha qaranka, si uu sharci u noqdo waxey ahayd in golaha shacabku ansixiyo, lamana horkeenin illaa iyo hadda, warka uu soo saaray maantana wuxuu ku magac dilayaa madaxbanaaninada garsoorka, waana gef xildhibaannada qaranka loogu gefayo…” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaannada ololaha ugu jiray Mooshin xil ka qaadis madaxweyne oo hakaday.
“Madaxda dalku waxey garsoorka dalka u heystaan maxkamaddii badbaadada, weli kama dhaadhicin in dalka dawlad madani oo dimuqraadi ah ay ka taliso. Waxaan dhaleeceyneynaa falka eexda iyo gefku uu ka muuqdo ee xeer ilaaliyuhu uu ku kacay maanta, waxaana ka danbeyn doona jawaab sharciga ku qotanta…” ayuu mar kale ku yiri farriin uu soo dhigay baraha bulshada.