Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaannada ku kacsan dowladda Federaalka ayaa sheegay inuusan wax jago ah ka doonan Madaxweyne Farmaajo balse aanu ku qanacsaneyn qaabka uu wax u wado.
Isagoo ka hadlayay furitaanka madal ay ku bahoobeen siyaasiyiin taageera dowladda ayuu caddeeyay in mucaaradnimadiisa ay tahay wax toosin isla markaana Madaxweyne Farmaajo aanu waxba ka qaban balanqaadyadii uu dadka u jeediyay.
Xildhibaan Fiqi ayaa iska fogeeyay inuu Imaaraadka Lacag ka soo qaatay, wuxuuna taasi u daliishay inuu mooshin ka geeyay dowladda Imaaraadka.

![Xildhibaan Axmed Fiqi: Farmaajo Wasiir kama doonan, Imaaraadkana lacag ima siinin…” [Daawo]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2017/02/Fiqi-Farmajo.jpg)