Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar afka ah ku qaaday xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, isagoo sheegay inuu sharci darro ku joogo xilka.
Xildhibaan Fiqi oo kadib markii xeer ilaaliyaha soo saaray dacwad ku wajahan laba xildhibaan oo lagu eedeeyay Qarandumis aan sal dhigin ayaa baraha bulshada soo dhigay farriimo uu si toos ah wax uga sheegayo shaqsiyadda iyo xilka Xeer ilaaliyaha guud.
“Axmed Cali Daahir wuxuu ka shaqeynayay Ethiopia markii aan dalkaan samata bixintiisa aan ku hawlannayn, warka ka soo yeereyna waxaa muuqata inuu uga gol lahaa in dawladnimada Soomaaliya ee soo kabanaysay lagu majaxaaboyo…” ayuu Fiqi ku yiri farriin kale oo uu baraha bulshada soo dhigay isagoo ka mid ahaa xildhibaano guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka si ay u dalbadaan in dib loo furo kalfadhigii Baarlamaanka, balse laga diiday.
“Cid qarankaan u soo dhibaatootay, kana tirsan hey’adaha qaranka inuu ku tilmaamo qaran dumis asagaoo sharci-darro ku jooga xafiiska waa arrin aan loo dulqaadanayn, wuxuuna u eg yahay nin waxa uu ka shaqeynayay iyo dalkaanba aan aqoon u lahayn…” ayaa ka mid ahaa farriintii labaad ee uu maanta dadka la wadaagay.