Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan xildhibaannada Federaalka ee taageersan Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa aflagaado kula kacay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug.
Xildhibaanka ayaa farriin uu soo dhigay baraha bulshada aflagaado aan hore loo arag oo ka fog hadal siyaasi iyo xildhibaan kala dul dhacay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug Dr. Yaxye Sheekh Cali kadib go’aankii Maxkamadda ka gaaray khilaafka madaxda Galmudug.
Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in guddoomiyaha Maxkamadda Sare Galmudug oo isagoo baabuurkii uu ku carari lahaa ag taagan uu meel baadiye ah ka aqriyey go’aan maxkamaddu soo saartay;. kadibna u fakaday dhinaca Puntland ee Gaalkacyo.
Xildhibaan Fiqi oo ku caan baxay mucaaradnimo ayaa dhowaan sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ogeysiinayo in Gobollada Dhexe ay yihiin meeshii laga dumiyay dowladii dhexe ee Soomaaliya, hadalkaas lagu tilmaamay mid mooryaannimo ah.
Xildhibaan Fiqi ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug inuu xalay lacag laaluush oo ka timid mas’uul ka tirsan Gobolka Banaadir la siiyay, taasna ay ahayd sababta uu go’aanka u soo saaray.
Xildhibanno dhowr ah oo ay kasoo jeeda Galmudug, kuwaasoo isu baheystay qaab qabiil ayaa xaaladda maamulka Galmudug uga sii daray, iyado waawaan dhinac u janjeerta la tegay Cadaado, taasoo fashilantay.