Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo saaka kusoo baxay Kursiga Xildhibaan ee Hop#138 oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa jeediyey khudbadii ugu yareyd ee xildhibaan guuleeystay.
Kadib markii ay tartanka ka hartay Naciimo Xuseen Cali oo si malxiis ahaan ah loogu qoray ayaa loo qaaday cod kalsooni ah, waxaana gacantaag ku ansixiyey ergo dhan 86 cod, sidaas ayuuna guddiga Doorashada Galmudug u shaaciyey inuu kursigaasi kusoo baxay C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Khudbad socotay muddo 35 ilbiriqsi ah ayuu C/raxmaan C/shakuur ka jeediyey goobta Doorashada, wuxuuna u mahad celiyay ergada dooratay, Guddiga Doorashada Galmudug iyo ciidamada Amniga, isagoo kadibna soo afjaray khudbadii.
Kursiga uu kusoo baxay hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa yimid kadib go’aan ay beeshiisa ku qaadatay in lasiiyo kursigaasi oo aan lagula tartımın, waxaana tanaasulay oo laga reebay tartanka musharixiintii kale.
“Waxaan u mahad-celinayaa beesha kursiga HOP#138 ku asteysan iyo shacabka Dhuusamareeb masuuliyadda ay ii xusheen iyo xilka ay i saareen. Waa bilawga guusha.” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo qoraal kooban la wadaagay taageerayashiisa.
HALKAN KA AKHRISO SIDA C/RAXMAAN C/SHAKUUR BEESHIISA U BADBAADISAY