Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo maanta xeer ilaaliyaha Qaranka ku eedeeyay Qarandmusnimo ayaa kasoo hadlay dalk Imaaraadka Carabta isagoo ka jawaabay eeda oo jeediyey.
Xildhibaanka ayaa sheegay in eedeynta loo jeediyay ay tahay wax aan sal iyo raad midna laheyn, isla markaana aysan jirin wax uu xeer ilaaliyuhu baaray, wuxuuna is weydiiyay sida loo baaray qof dalka ka maqan.
Xildhibaan Saabis ayaa sheegay in loo baahanyahay in xilka laga qaado Xeer ilaaliyaha, sababtoo ah ayuu yiri wuxuu magacii garsoorka u adeegsaday sharci burburin, wuxuuna intaas ku daray in arrintan ay tahay daandaansi ay wadaan Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wsaaaraha.
Maanta ayay ahayd markii Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho uu shaaciyay dacwad ka dhan ah Xildhibaannada kala ah: Xasan Macalin iyo C/saabir oo uu ku sheegay inay ku kaceen owlad dumis iyo dal shisheeye oo ay lacag ka soo qaateen.