War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in weerarkii lagu qaaday Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho uu ku dhintay mid ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ahaa xildhibaan caan ah.
Xildhibaan C/llaahi Jaamac Kabaweyne ayaa la seegay inuu ku dhintay weerarka lagu qaaday Hotelka oo isugu jiray is miidaamin iyo weerar toos ah oo ay dabley ka tirsan Alshabaab ku galeen Hotelka.
Waxaa dhinaca kale ku dhawacmay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur, oo ka mida dadka laga badbaadiyay Hotelka isagoo dhaawac ah.
Qasaaraha weerarka ayaa sare u dhaafay 10 dhimasho ah iyo dhaawac ku dhow 5o kale, Isbitaalka ayaa la dhigay dhaawac ka badan 30.
Wadani.com