Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegay in caawa toogasho lagu dilay xildhibaan ka tirsan maamulka Jubbaland.
Koox hubeysan ayaa caawa fiidkii magaalada Kismaayo ku disha xildhibaan lagu magacaabi jiray C/xakiin Jaamac Cilmi (Timafaras) oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland, iyadoo dilku ka dhacay Xaafada Calanleey ee Magaalada Kismaayo.
Wararka qaar ayaa sheegaya inuu dilka geystay nin ku lebisan dareyska ciidamada, halka warar kale sheegayaan inay geysteen koox bistoolado ku hubeysnaa oo rasaas ku furay, tasoo uu isla markiiba u geeriyooday.
Ciidamada ammaanka ayaa baaritaan ku wada dilka xildhibaanka iyo ciddii ka danbeysay, waxaana la xiray goobta falku ka dhacay.