
Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay xeer ilaaliyaha Qaranka inuu yahay ninka hor taagan inuu gurigaasi dib u helo, wuxuu sidoo kale eedeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxweynaya iyo madaxda sare ee dalka oo uu sheegay inuu gaarsiiyay arrinta guriga, isagoo ku dooday in gurigaasi looga dhacayo inuu yahay xildhibaan mucaarad ah darteed.
Cabdi Barre Jibriil oo ka mida xildhibaanada ugu afka dheer Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markan qeylo dhaantii siyaasadeed u soo wareejiyay dhinac kale oo ah guryaha la isku heysto magaalada Muqdisho oo ah arrin ka mida kuwa la isku heysto.
Wareysiga soo socda wuxuu ku aflagaadeeyay:
- Xeer ilaaliyaha Qaranka oo uu ku sheegay inuu yahay ninka hor taagan xaqiisa oo hantidiisa u xalaaleynaya kooxda ku heysata.
- Wuxuu dadka guriga ku heysta ku tilmaamay burcad iyo tuugo.
- Xafiiska dowladda hoose ee Xamar u qaabilsan wuxuu ku sheegay xafiis laaluush qaata
- Maxkamadaha dalkana wuxuu sheegay in xaalkooda la wada ogyahay
HOOS KA DHAGEYSO WAREYSI XILDHIBAANKA LAGA QAADAY
Wadani.com