Xildhibaan Cabdi Shir Jaamac (Cayaar-jecel) ayaa sharci darro ku tilmaamay kulanka labada Aqal ee Baarlamaanka maanta yeelaayan oo la shaaciyey in loogu codeynayo Heshiis Doorasho oo ay gaareen Madaxweynaha iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka.
Wuxuu ku dooday in kulamada ay labada Aqal wadajirka u yeelan karaan ay cad yihiin sida doorashada Madaxweynaha, balse aanu soconeyn xeer jajab, wuxuuna intaasi ku daray in wax lala yaabo ay tahay in Ajende laga dhigo ‘U codeynta Heshiiska Jiheynta Doorashda’ oo aan xitaa laga doodeynin.
“Ajendaha naloo soo diray wuxuu nagu noqday fajac, sharciyada labada Aqal ku kulmayo ayaa la isku heystaa.. waxa naloo soo diray in loo codeynayo oon laga doodeyn.. In Madaxweynaha oo ahaa ilaaliyaha Sharciga inuu heshiis la galo maamul Goboleedyo ayaa sharci darro ah. Heshiiskan waa mid lagala caraarayo Ra’isal wasaaraha..” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Shire oo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu ku biiray ganacsatada siyaasadeed ee Imaaraadka iyo Qatar kaal jiidanayaan.
