Xildhibaan C/fataax Nuur Mattaan oo ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo caawa lagu weeraray guri uu ka deganaa degmada Beled xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday uu ahaa mid siyaasadeed.
Xildhibaanka ayaa weerarka ku tuhmay dad uu sheegay inay dano gurracan ka leeyihiin Gobolka, wuxuuna sheegay inuu shalay hor istaagay Derbigii Kenya ka dhiseysay xuduudka Soomaaliya oo la bilaabi lahaa arrintaasina aysan ka marneyn weerarka lagu soo qaaday.
DHAGEYSO XILDHIBAAN C/FATAAX NUUR MATTAAN
Wadani.com