Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar-jecel oo ka mida xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay wixii maanta ka dhacay gudaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo khudbad uu ka jeediyey kulankii maanta oo keentay in makarafoonka laga xirtay.
Xildhibaanka ayaa sheegay inuu aad u dhaliilay ajendaha maanta oo ahaa heshiis aan laga doodi karin oo caalami ah, wasiirka Waxbarshadana uu u sheegay golaha inuu yahay heshiis ay Soomaaliya ka hartay dunida, isagoo dalbaday inaan heshiis aan laga doodi karin waqtiga looga qaadin Baarlamaanka ee isla maanta la dhaafiyo, lana guda galo arrimaha muhiimka ah ee Baarlamaanka hor yaalla.
Cabdi Shire ayaa sheegay inuu ka hadlay shaqada Baarlamaanka iyo inuusan waajibaadkiisa gudaneynin, isaguna uu soo hadal qaaday sharciyada doorashada, arrimaha amniga iyo howlo badan, kadibna uu arrintii ka carooday Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Makarafoonka ka dansaday Guddoomiyaha Baarlamaanka, taasoo ku kaliftay inuu kursigiisa ku laabto, laakiin guddoomiyaha Baarlamanka uu aflagaado u geystay oo uu goobtii wacdi diini ah ka jeediyey, kuna tilmaamay is tus iyo anshax darro aan fiicneyn.
“Maanta waa la igu gefay, guddoomiyaha haddii uu iga xaal siinin meel kastaan garaaci doonnaa, markii aan fariistay waxaan hoos ka iri: QIIL DANBE MA HARIN IYO DIINTOO LAGU QARAABTAA..” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar-jecel oo saxaafadda kula hadlay bannaanka Baarlamaanka markii uu kulanka dhamaaday, kaasoo saxafiyiinta loo diiday.