Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ahaa xildhibaanadii su’aalaha adag weydiiyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in lacago badanx xukuumadda Soomaaliya kala baxday Khasnada maamulka Gobolka Banadir, wuxuuna su’aal ka keenay sababta ay taasi ku dhacday iyo halka ay mareen lacagihii deeqda ahaa ee xukuumadda Soomaaliya ka heshay Sacuudiga.
Xildhibaan Goodax ayaa dalbaday in Ra’iisal wasaaraha caddeyn ka bixiyo sababta keentay in Wasaaradda Maaliyadda ay lacag dhan 2 Milyan oo Doolar kala baxdo Khasnada maamulka Gobolka Banaadir, iyo halka ay lacagtaasi martay.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in arrintaasi ay baarayaan, isla markaana loo baahan yahay guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka inuu raadiyo lana kulmo dhinacyada ay quseyso lana shaqeyn doonaan Guddiga si loo caddeeyo arrinta xildhibaan Goodax.
Xildhibaan C/llaahi Goodax wuxuu kaloo ka hadlay in ciidamada Soomaaliya ay heysato mushaar la;aan oo isaga baxeen gobolka Shabeelaha hoose, qaarkoodna ay tageen degaanada ay ka soo jeedaan, wuxuuna sheegay halis heysata degaanada Hiiraan ee go’doonka ku jira.
Jawaabaha Ra’iisal wasaaraha ayaa ahaa kuwo aan lagu qancin oo u badan in wax laga qabanayo iyo in wax badan la qabtay oo xaalada ay baari doonaan.
Wadani.com